4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 27, 2017
Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabeelle oo ansixiyay gollaha Wasiiradda

 

Arbaco, December, 27, 2017 (HOL) - Wararka xiligan naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in kulan ay halkaa ku yeesheen xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ku meel-mariyeen golaha Wasiirada uu bishii hore uu soo magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Kulanka oo ay soo xaadireen 79 Mudane ayaa waxaa ogolaatay 77 Xildhibaan, halka labo Xildhibaan ay diiday, cid ka aamustay ka jirto.

Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay in Golaha Wasiirada ay yihiin ansax, waxaa la filayaa in goor dhow la dhaariyo Wasiirada.

Maalintii shalay ayay aheyd markii kulan ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada uu kooram la’aan u baaqday, kaddib markii ay Xildhibaanada cabasho ka keeneen mushaar la’aan heysay muddo bilooyin ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]