4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 27, 2017
Ganacsade Maxamuud Khaliif oo Baaq Nabadeed u diray beelo ku dagaalamay Deeganada Cagaare iyo Qorileey


Arbaco, December, 27, (HOL)–Dagaalo  u dhaxeeya labo beelood oo walaalo ah , isla markaana ka soconayay qaybo kamid ah xadka u dhaxeeya Sool iyo Mudug ayaa lagu soo waramayaa in ay yara qaboobeen ka dib baaqyo nabadeed oo laga dirayay maalmihii la soo dhaafay.

Dagaaladan ayaa la sheegay in ay ku naf-waayeen dad ka badan toboneeyo qof ,waxaana intiisa badan uu ka dhacayay deegaanada kala ah Cagaare iyo Qoriley ,waxaana maleeshiyaadka dagaalamay la sheegay in ay yihiin dad xoolo dhaqato ah.

"Waxaan ugu baaqayaa labada dhinac ee dirirtu ka dhaxeyso in si shuruud la'aan ah dagaalka loo joojiyo ,waxaa muhiim ah in la bad-baadiyo dadka aan ku nafwaayin dagaaladii dhacay " ayuu yiri Maxamuud Khaliif Xasan oo kamid ah waxgaradka iyo ganacsatada Puntland.

"Sidoo kale waxaan baaq u dirayaa maamulka Puntland, Isimada, Culimada iyo dhamaan qofkasta oo wax ka geysan kara deminta colaadaas " ayuu mar kale yiri Maxamuud oo xusay muhiimad-da ay leedahay in xili hore la xakameeyo colaad-dan.

Mas'uulkan ayaa sheegya in qurba-joogta Puntland ay kaalin muhiim ah ka qaadan karaan xal u helid-da dhibaatada ,isaga oo ka digay dad uu ku sheegay in ay hurinayaan dagaalka u dhaxeeya labada beelood.

Dad ka badan afartmeeyo qof ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen dagaaladan oo ka bilowday muran dhinaca dhulka ah iyo khilaaf-yo ka dhashay dad horey labada dhinac ay isaga dileen.

Ugu danbayn, madaxweynihii hore ee Puntland C/rixmaan Shiekh Maxamed Faroole oo maalmo ka hor la hadlay warbaahinta ayaa isna sheegay in maamulada ka jira gobolka ay ku lug leeyihin hurinta colaad-da beelahan.

Faysal M. Hassan
[email protected]