4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 27, 2017
Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Puntland oo xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo

 

Arbaco, December, 27, (HOL) – Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in Rag hubeysan xalay ku toogteen Waqooyiga magaalada Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Puntland oo lagu magacaabi jiray Qaleey Yuusuf Jiile.

Sarkaalka la dilay ayaa la sheegay in uu ahaa taliyaha xero lagu Keydiyo hubka oo lagu magacaabo Inji, waxaana la toogtay xili uu ku sii jeeday Gurigiisa.

Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Amniga Puntland ayaa sheegay in sarkaalkan uu u dhintay dhaawac darran oo ka soo gaaray rasaas ay ku fureen Raggii weerarka ku qaaday oo markii danbe goobta isaga baxsaday.

Dilkan ayaa imanaya xili magaalada Gaalkacyo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]