4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 27, 2017
Maxkamada Racfaanka G Banaadir oo maanta bilaabeysa dhageysiga dacwada loo heysto Cabdiraxmaan Cabdishakuur

 

Arbaco, December, 27, (HOL) - Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa qoraaal maalintii shalay ka soo baxay waxaa mar kale maanta Arbaco ah loo balamay in dib loo bilaabo dhageysiga dacwada ka dhanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Doodda ku saabsan dacwada ayaa la sheegay in ay noqon doonto mid u dhaxeysa oo kaliya Qarreenada u doodaya Siyaasiga iyo Xafiiska Xeer ilaalinta, iyadoo dhageysiga iyo doodda dacwada ay noqon doonto mid xiran oo aan dad-weynaha goobjoog ka noqon doonin.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa horay u baabi’isay Kiiska dacwada loo heysto Cabdirxmaan waxaana ay maxkamadu sheegtay in aan wax Racfaan ah laga qaadan karin, maadaama weerarkii lagu qaaday Gurigiisa iyo xariggii loo geystay uu ahaa mid aan ogolaansho Maxakmadeed loo wadan, sidaas darteed uu ahaa mid baal marsan sharciga.

Laakiin waxaa arintan iska diiday oo ku gacanseyray xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo sheegay in go’aankii uu gaaray guddoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir uu ahaa mid aan sharciga waafaqsaneyn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]