4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 27, 2017
Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabeelle oo maanta kulan ku yeelanaya Jowhar

 

Arbaco, December, 27, (HOL) - Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan magaalada Jowhar, kaddib markii kulankii maalintii shalay uu u baaqday Kooram la’aan.

Kulamo is daba joog ah oo maalmihii ugu danbeeyayba ka soconaya magaalada Jowhar yeey madaxda maamulk Hirshabeelle uga raadidayeen xildhibaannada in ay meelmariyaan golaha wasiirada cusub, hasse ahaatee xildhibaannada ayaa wali arintan ku kala qeybsan.

Xildhibaannada ayaa loo balan qaaday in la sii doono mishaarka labo bilood oo isku xiran, hasse ahaatee qaarkood ayaa sheegay in muddo 7 bilood ah aysan wax mishaar ah qaadan.

Madaxtooyada Hirshabeelle waxaa ka socda dadaalo lagu qancinayo xildhibaanada oo ku aadan ansixinta Golaha Wasiirada, iyadoo Xildhibaanada qaar ay dalbanayaan ka hor inta aanay ansixin la siiyo xuquuqda ka maqan oo ah 7 bilood.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]