4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 27, 2017
Somaliland oo ka jawaabtay War ka soo baxay Xuutiyiinta ka dagaallama dalka Yemen

 

Arbaco, December, 27, (HOL) - Maamulka Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay War la sheegay in uu kasoo baxay Kooxda Xuutiyiinta oo ku aadana in ay gantaallo ku garaaci doonto Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera

Muuqaal dhawaan lagu baahiyay Baraha Bulshadda ayaa lagu soo bandhigay Rag u muuqday in ay ka tirsan yihiin kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallama Yemen oo hanjabaado u soo diraya Somaliland.

Sacad Cali Shire Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegay in ilaa iyo hadda uusan jirin War rasmi ah oo ka soo gaaray Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.

Wasiirka waxaa uu sheegay in ay ka jawaabi doonaan hadii Xuutiyiinta ay u soo diraan War rasmi ah.

‘’War rasmi ah oo arintan ku saabsan oo naga soo gaaray Xuudutiyiinta ma jiro, markii hore aan arrinka galnayna waxyaabo badan in ay dhici karaan weynu ogeyn oo sidaa ayeeynu Dan Moodnay, waayo danbeynu u galnay markii horeba arinta Berbera, Dantiina wali wey taagan tahay, haddii uu War naga soo gaaro Xuutiyiintana waan ka jawaabi doonnaan’’ ayuu yiri Wasiirka.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa la sheegay in ay ka caroodeen saldhigga dowladda Imaaraadka ay ka furaneyso Magaalada Berbera ee Somaliland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]