4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 26, 2017
Hargeysa: Shir afar cisho uga socday golaha wasiiradda cusub oo qoddobo laga soo saaray


Talaado,December, 26, 2017 (HOL)- Shirkii aqoon korodhsiga iyo wada tashiga golaha wasiiradda Somaliland uga socday hoteel ku yaalla duleedka galbeed ee magaaladda Hargeysa, ayaa la soo xidhay, waxaana laga soo saaray 13 qodob.

Shirkan golaha wasiiradda u socday ayaa qaatay afar cisho, waxaana dood iyo falanqeyn ka dib laga soo saaray go’aamadan, waxaanay u qoran yihiin sidan; “ Kulankan wada-tashiga ah waxaa looga gol lahaa sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta wasaaradaha iyo dardaragalinta hawlaha qaran ee horyaalla xukuumadda cusub, waxaana goob joog ka ahaa muddadii uu socday kulankani Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland,  Mudane, Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil Saylici.

Wada-tashigan oo socday muddo 4 maalmood ah soona bilaabmay 23-kii December 2017,  waxay xubnaha wasiiiradu yeesheen doodo is daba jooga iyo falaqayn ku saabsan sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda shaqo, iyagoo ka duulaya barnaamijka qorshaha horumarinta qaranka ee labaad (NDPII) iyo barnaamij siyaasadeedka xisbiga Kulmiye ee uu ku galay ololihii doorashada Madaxtooyada, si loo fuliyo ballan qaadyadii xisbiga.

Waxaana soo xidhay kulankan Madaxweynaha Somailand, Mudane, Muuse Biixi Cabdi  waxaa ka soo baxay qodobadan hoos ku xusan:-

1.            In xubnaha golaha wasiiradu ay si wada jira u shaqeeyaan, iskana kaashadaan hawlaha qaranka ee horyaalla.

2.            In qorshaha xukuumadda lagu saleeyo barnaamijka xisbiga Kulmiye iyo qorshaha horumarinta qaranka ee labaad (NDPII).

3.            In la xoojiyo siyaasadda arrimaha dibadda, lana kordhiyo dadaalka loogu jiro ictiraaf raadinta.

4.            In la  xoojiyo  amniga  gudaha, si buuxdana loo sugo  xuduudaha dalka.

5.            In la dhiiri-galiyo lana fududeeyo maal-gashiga, si loo abuuro fursado shaqo.

6.            In la kordhiyo dakhliga , dib u habaynna lagu sameeyo Maamulka Maaliyadda.

7.            In la sameeyo guddi farsamo oo ka soo talo bixisa xal u helidda Sicir-bararka.

8.            in kor loo qaado wax-soosaarka dalka, bulshadana lagu dhiiri galiyo inay tabcadaan.

9.            In kor loo qaado adeegyada aas-aasiga ah ee  bulshada Somaliland loo fidinayo

10.          In dhidibada loo aaso nidaamka maamul-wanaaga, laguna dhaqmo daah furnaan iyo caddaalad.

11.          In la dajiyo qorshe qaran oo ku wajahan ka hortaga iyo wax ka qabashada  abaaraha.

12.          In  dadaal dheeraada lagu bixiyo sidii loo tayayn lahaa shaqaalaha dawladda

13.          In hindisaha wax-qabadka madaxweynaha ee boqol iyo labaatanka cisho(120) ee u horeeya xukuumadda la fuliyo, wasaarad walbana ay qaybta kaga soo hagaagaysa fuliso.”

Shirkadan ayaa ahaa mid Somaliland ku cusub,isla markaana dadku u dheg taagayeen waxa ka soo bixi doono iyo gabogabadda waxa laga soo saari doonna, waana shir muhiim ah oo iskugu jiray is barasho iyo wada shaqayn golaha wasiiradda dhexdoodda ah.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.