4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 26, 2017
Shirka Guddoomiyayaasha Baarlamaannada maamul gobolleedyada oo ka furmay Baydhabo

 

Talaado, December, 26, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha golaha shacabka soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta ka furay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay shir u dhaxeeya Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Guddoomiyayaasha Baarlamaanada Maamul Goboledyada dalka.

Shirkan ayaa lagu sheegay in looga arinsanayo xoojinta xiriirka u dhaxeeya guddoonka Golaha Shacabka Iyo Maamul Goboledyada dalka ka jira Baarlamaanadooda.

Kulanka ayaa soconayaa muddo saddex cisho ah, waxaana lagu gorfeyn doonaa, qaabka ay ku wada shaqeyn karaan Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada Iyo Gudoonka Golaha Shacabka.

Gabagabada shirkaan ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ay ku cad yihiin hanaanka wada shaqeynta Gudoonka Golaha shacabka iyo gudoomiyeyaasha Baarlamaanada dalka.

Waa shirkii ugu horeeyay ee noociisa ay isugu yimaadaan Guddoonka Golaha Shacabka iyo Gudoomiyayaasha Barlamaanada Maamul Goboledyada dalka ka jira.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]