4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 26, 2017
Kulankii lagu ansixin lahaa gollaha Wasiiradda Hirshabeelle oo Kooram la’aan u baaqday

 

Talaado, December, 26, 2017 (HOL) - Kulankii lagu wada in Xildhibaannada Hirshabeelle ku yeeshaan magaalada Jowhar ayaa lagu waramayaa in uu Kooram la’aan u baaqday.

Maalmihii ugu danbeeyayba magaalada Jowhar waxaa ka soconayay kulamo ay lahaayeen madaxda maamulka Hirshabeelle oo xusul duub adag ugu jira ansixinta golaha wasiirada.

Waxaa sidoo kale waxaa soconaya dadaalo lagu qancinayo Xildhibaanada oo ku aadan ansixinta Golaha Wasiirada, iyadoo Xildhibaanada qaar ay dalbanayaan ka hor inta aanay ansixin la siiyo xuquuqda ka maqan oo ah 7 bilood oo ay ku jirto bilihii u dambeeyay ee uu xilka hayay Madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble.

Xildhibaannada Hirshabeelle ayaa markii horeba ka hor yimid magacaabista gollaha Wasiirada iyaga oo ku eedeeyay madaxweyne Waare in uu ka baxay balamo uu horay ugu qaaday xildhibaannada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]