Ergeyga Qaramada Midoobey oo War ka soo saaray dhamaadka sanadka 2017 iyo Soomaaliya
Talaado, December, 26, 2017 (HOL) - Dadka Soomaaliyeed
waxaa heysta qaar kamid ah xaaladaha nolaleed ee ugu adag adduunka, malaayiin
ayaa dadaal ugu jirta sidii ay ula qabsan lahaayeen cawaaqibkii ka dhashay
abaarta.
Amni darradu waa xaqiiqo nololeed oo heysata qof kasta,
Sanadka 2017ka wuxuu soo maray xilliyo badan oo aad u khatar badan, oo ay kamid
ahayd qarixii khasaaraha ba’an geystay ee 14kii Oktoobar kaas oo galaaftay
nolosha dad aad u badan.
Laakiin inkastoo ay jiraan caqabadahaas waaweyn, ayaa
sanadka 2017ka wuxuu soo arkay oo uu soo maray horumar dhab ah. Arrimahaas
waxay mudanyihiin in wax laga tilmaamo maadaama warar xun oo kaliya la maqlo
kuwaas oo qabsaday tebinta warbaahinta isla markaana hoos u dhigaya sumcadda
Soomaaliya.
Sadankii lasoo dhaafay waxaa laga hortegay [inay
dillaacdo] macluul, dowladda ayaa ku mahadsan dadaallada ay hormuudka u ahayd
oo ay ka qaybqaateen ganacsatada, ururada bulshada iyo qurbajoogta.
Deeqbixiyeyaasha caalamiga ah ayaa si aan caadi ahayn u
ahaa kuwo deeqsi ah. Hay’adaha gargaarka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay,
hay’adaha aan dowliga ahayn ee maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah (NGO-yada)
ayaa qabtay hawl qiimo badan oo [gargaar] lagu gaarsiinayo dadka u baahan, oo
ay ku jiraan malaayiin barakacayaal cusub ah.
Sanadka 2017ka waxaa si nabad ah loo wareejiyay
awooddii/xilkii madaxweyne. Waxaa la asaasay Aqalka Sare, oo matalaya
gobollada. 80 xubnood oo haween ah ayaa kuraas ka helay baarlamaanka, kuwaa oo
isku darka tiradooda labada aqal ay noqonayso 24 boqolkiiba waana wax
qiimo badan.
Dowladda Federaalka ah ee cusub waxay billowday tiro
is-bedello ah oo haddii la raaco/dhaqangeliyo sanadka soosocda, ballanqaadaya
in inay hagaajiyaan nolosha dadka. Is-bedelladaas waxaa kamid ah heshiis ay la
gaartay Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah oo ku aaddan
qaab-sameynta amniga qaran iyo qorshayaal dib loogu dhisayo ciidanka xoogga
dalka iyo booliska. Waxaa la ansixiyay hanaan loogu talo galay garsoorka iyo
ciidanka asluubta. Waxaa lagu heshiiyay qorshaha horumarinta qaranka – waana
kii ugu horreeyay muddo tobaneeyo sano ah.
Dowladda Federaalka ah waxay qaadaysaa tallaabooyin ay
dib ugu hagaajinayso canshuur ururinta iyo maareynta dhaqaale.Tallaabooyinkaas
waxay dalka usii gogol xaarayaan tubtii uu u mari lahaa cafiska deymaha lagu leeyahay,
amaahda la siiyo hay’adaha dowladda iyo waaxda/ganacsiga gaarka loo leeyahay oo
kororta, iyo in lacag badan loo helo adeegyada asaasiga ah iyo kaabayaasha.
Baarlamaanku aad ayuu u mashquulsanaa. Sharciyo badan
ayaa la meel mariyay, sida Xeerka Isgaarsiinta Qaranka oo ka marqaati kacaya
wada-shaqayn heer sare ah oo ka dhexeysa ganacsiyada waaweyn iyo dowladda.
Marka lagasoo tago dareenka siyaasadeed, sanadka 2017ka
waxaa sii xoogeysanayay oo sii ballaaranayay wada-shaqaynta ka dhexeysa Dowlad
Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ha. Tani waxay gacan ka geysanaysaa in
waddada loo furo qorshayaal lagu hirgelinayo dib-u-habaynta waaxda amniga,
dib-u-eegista dastuurka federaalka ee kumeelgaarka ah, heshiisyada lagu
wadaagayo kheyraadka iyo dakhliga, iyo qeexidda hanaanka doorasho oo nooqon
doona mid dadka codeynaya tiradoodu aad u badnaan doonto sanadka 2020ka.
Al Shabaab ayaa leh awood ay u adeegsato weeraro culus,
oo badanaa ay khasaaro laxaad leh kasoo gaaraan dadka rayidka ah. Kooxdu waxay
ka faa’iideysataa oo ay ku awoodeysataa, iyadoo waxyaabo kale ay jiri karaan,
maqnaanshaha dowlad maxalli ah oo shaqaysa iyo colaadaha tirada badan ee ka
jira dalka.
Heshiiskii siyaasadeed ee dhawaan ay kala saxiixdeen Ahlu
Sunna Wal Jamaaca iyo maamulka Galmudug ayaa ah horumar aad u wanaagsan,
wuxuuna saadaal wanaagsan u yahay horumar laga gaaro dib-u-heshiisiin ka dhacda
Gaalkacyo.
Soomaaliya waxey sanadka 2017ka kusii naalooneysaa
taageero caalami ah oo heerkeedu sarreeyo, sida uu ka marqaati kacay
shirweynihii caalamiga ahaa ee ka dhacay London bishii May, laguna qabtay
Muqdisho bisha December.
Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya (AMISOM)
waxay dowr muhiim ah, oo ay ku kacayso qiimo badan, ka cayaarayaan ilaalinta
qaybo ballaaran oo kamid ah dalka waxayna jawi u abuurayaan dhismaha dowladda.
Sidaas darteed, sanadka 2017ka siyaabo badan ayuu qiimo u
lahaa. Laakiin ma jiro qof yareysan karo [ama dhayalsan karo] caqabadaha na hor
yaalla, iyo arrimaha hallistooda leh ee sii socda ee dib u dhaca leh oo xattaa
khalkhal ku noqon kara horumar dheeraad ah.
Arrimahaas waxaa kamid ah musuqmaasuq baahsan, oo inta
badan hareeya siyaasadda, iyo rabitaanka dadka ka dallaala awoodaha
[siyaasadeed] oo ah inay colaad u adeegsadaan, ama colaad ugu hanjabaan dadka
kasoo horjeeda. Waxaa kale oo arrimahaas kamid ah in la ixtiraami waayo
Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah, sarreynta sharciga iyo xuquuqul insaanka.
Waxyaabahaas oo dhan waxay u danaynayaan oo ka faa’iideysanaya xagjiriinta.
Dadka Soomaaliyeed waxay mudanyihiin wax ka badan inay
indhaha ka daawadaan oo kaliy in kuwa ugu dhaqaalaha/awoodda badan ay u kala
tartamaan dano shakhsiyadeed iyadoo lagu jiro waqti dadka Soomaaliyeed ay
heysato xaalad adag iyo amni darro. Dadka da’da yar, gaar ahaan, waxay
rajeynayaan wax sidaas ka wanaagsan; waa mustaqbalkooda waxa khatarta ku sugan.
Haddii lagu guuleysan waayo in siyaasadda lagu xiriiriyo
horumar la taaban karo, la ixtiraami waayo xeerarka asaasiga ah oo dhamaan
bulshada qaybeheeda, oo ay kamid yihiin haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga
tira badanyahay laga qayb-gelin waayo, ayaa taasi waxay keeni kartaa khatar sii
fogeyn karta [dadkaas] iyo niyad wanaagga beesha caalamka oo sii yaraada,
iyadoo Soomaaliya ay si weyn ugu tiirsantahay beesha caalamka.
Casharro ayaa laga baran karaa sanadka 2017ka, kuwo
wanaagsan iyo kuwo xun intaba. Casharka ugu muhiimsan ayaa noqon kara marka ay
wada-shaqeeyaan jilayaasha ugu awoodda badan, haddii ay noqon lahaayeen
Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada, xubnaha baarlamaanka, odayaal dhaqameedyada,
ganacsatada iyo beesha caalamka, in la gaari karo horumar weyn. Haddii aanay
wada shaqyn, in khatartu ballaarantahay.
Waddada loo marayo dhismaha hay’addo la aaminsanyahay oo
lala xisaabtami karo iyo dowlad dimoqoraadiyaddeedu saldhigatay ayaanan ahayn
waddo sahlan. Karaamada [qabka] iyo dareenka madaxbanaani ee lagu yaqaan dadka
Soomaaliyeed ayaa hubanti ka dhigaya in waddadaasi ay noqon doonto mid midabyo
badan, qodaxyo badan, is-bedello iyo gad-gadoon yeelan doonta.
Waa in colaadda aanay helin meel ay degto, waana in
talinta sharcigu ay sare martaa. Haddii kale waxaa baaba’aya fursadaha lagu
abaabulayo is-beheysiyada iyo niyad wanaagga si wax looga qabto caqabadaha na
horyaalla – hawlaha bani’aadanimo, dhaqan-dhaqaale, kuwa la xiriira amniga, ama
haddii ay ahaan lahaayeen dhismaha hay’ado la aaminsanyahay oo waxyaabo
faa’iido leh u qaban kara dadka.
Shakhsi ahaan, rajo wanaagsan ayaan ka qabaa arrimahaas,
waxaana I dhiiri-geliyay waxyaabihii qabsoomay ee laga guul gaaray, anigoo
ogsoon sida xaaladdu ay weli u tahay mid adag. Fadlan iga guddooma
hambalyadeyda ugu wanaagsan ee sanadka cusub, waxaana idiin rajeynayaa nabad,
barwaaqo, guul iyo midnimo ka dhexeysa dadka Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]