Canada oo dalkeeda ka eriday safiirkii dalka Venezuela
Talaado, December, 26, 2017 (HOL)– Dawladda Canada ayaa ku dhawaaqday in ay eriday safiirka
Venezuela Wilmer Barrientos Fernández iyo Ángel Herrera oo shaqada ku
siisimayay.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Canada Chrystia Freeland ayaa sheegtay in
qorshahaasi uu aargoosi u yahay dublamaasigii ugu sareeyay safaaradooda oo
dhawaan laga soo eryay Caracas.
Venezuela ayaa Canada ku eedaysay in faraha kula jirto arrimaha dalkeeda,
halka Canada ayaa dhinaceeda ku eedeysay xukuumadda Nicolás Maduro in ay gaysanayso
arrimo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
In kabadan 120 ruux ayaa lagu dilay mudaaharaadyo billo ka socday dalkaas
horraantii sannadkan.
"Dadka Canada indha ka qabsan mahayaan dawladda
Venezuela oo meel uga dhacaysa xuquuqdii aasaasiga ahayd ee dimuqraadiyadda
dadkeeda kana hor istaagaysa xuquuqdii aadanaha ee aasaasiga ahayd," ayay
war qoraal ah ku tiri Freeland.
"Anaga oo kaashanayna dalalka aan xulafada nahay ee gobolka ayaan sii
wadaynaa in aan cadaadis saarno dawladda Maduro ee dimuqraadiyad diidka ah si
loo soo celiyo xaqii ay lahaayeen dadka Venezuela."
Freeland ayaa sheegtay in danjire Barrientos uu hadda ka
maqan yahay Canada isla markaasna aan loo ogolaan doonin in uu dib ugu soo
laabto, halka Herrera oo ku sime u ahaana la waydiistay in uu dalka isaga baxo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]