4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 26, 2017
Dagaal culus oo xalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Talaado, December, 26, 2017 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo fiidnimadii xalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii xoogaga Ururka Al-Shabaab ay weerareen Laba kontorool oo ciidamada Dowladdu ku leeyihiin dhinaca Galbeed ee degmada.

Xoogagga Al-shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in ay wateen gaadiidka dadweynaha, iyagoo weerar lama filaan ah ku qaaday ciidamada dowladda.

Dadka degmada ayaa sheegay in dhowr jiho ka soo weerar tageen dagaalamayaasha Al-shabaab oo dhinaca kale iska caabin xoog leh kala kulmay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Waxaa jira khasaare soo kala gaaray dhinacyda uu iska horimaadku dhaxmaray laakiin dhab ahaan lama oga tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarrada ka dhanka ah degmada Afgooye, waxaana uu weerarkan noqonaya kiisii saddexaad bishan oo keliya ay ka gaysteen degmadaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]