4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 26, 2017
Shirka guddoomiyayaasha Baarlamaannadda maamul gobolleedyada oo ka furmaya Baydhabo

 

Talaado, December, 26, 2017 (HOL) –Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo shirka guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

Waxaa maalintii shalay gaaray magaalada Baydhabo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo ay ka mid ahaayeen qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay shirkan Baydhabo lagu qabanyo in lagu go’aamiyay midkii ka horeeyay ee Muqdisho lagu qabto, wuxuuna tilmaamay in laga hadli doono arrimo hormar ah u ah Baarlamaanada dalka ka jira.

Ajandaha shirkan wali lama shaacin, hase ahaatee ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay maanta oo Isniin ah, waxaana wadooyinka lagu soo daadiyay ciidmo hubeysan.

Waa shirkii ugu horeeyay oo magaaladaasi ku yeeshaan Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada maamul goboleedyada dalka ka jira.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]