4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 25, 2017
Bandhiga Buuggagta Hiiraan Book Fair oo sanadkii labaad lagu soo gabagabeeyay magaalada Beledweyne


Isniin, December, 24, 2017 (HOL) – Waxaa magaalada Beledweyne sanadkii labaad lagu soo gabagabeeyay Bandhigga Buuggaagta Hiiraan Book Feir kaa oo ay ka soo qeybgalleen Qoraayaal ka kala yimid gobollada kala duwan ee dalka.

Faarax Maxamed Xiirane (Faarax Lamaane) oo ah madaxa Carwada Buuggaagta Hiiraan ayaa sheegay in Bandhiggan ujeedada laga leeyahay tahay is dhaxgal bulsho iyo dhalinyaradu ku soo bandhigaan hibada ay u leeyihiin wax Qorista.

Waxaa xusid mudan in Bandhiggan sidoo kale ay ka soo qeybgalleen dhalinyaro Qorayaal ah oo ka kala magaalada Muqdisho, gobollada dhexe iyo deegaanno ka tirsan Somaliand.

Sidoo kale waxaa iyaguna halkaa Buuggaag ay Qoreen ku soo bandhigay dhalinyaro ku dhaqan magaalada Beledweyne oo sanadkii labaad ka qeybgalay Carwadan.

Arrintan ayaa siweyn u soo jiidatay Idhaha bulshada ku nool magaalada Beledweyne, maadaama uu ahaa masrax Aqoonnneed ay isku arkeen dad kala duwan oo leh  xirfado hal abuurnimo, iyadoo halkaana leysku dhaafsaday aragtiyo la xiriira kobcinta iyo sare u qaadista Qoraalka iyo guud ahaanba Afka Soomaaliga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]