4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 25, 2017
Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxeya Sarkaal isku dhiibay maamulka Koonfur Galbeed

 

Isniin, December, 25, 2017 (HOL) - Magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed waxaa gelinkii dambe ee shalay ka degtay Helicopter siday Sarkaal Shabaab ka soo goostay, kaasi oo Saraakiil ka tirsan Koonfur Galbeed ay ka soo kaxeeyeen deegaan ka tirsan Gobolka Baay.

Cabdulle Isaaq oo ah Taliyaha Howlgelinta ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, oo isaga laftirkiisa ka mid ahaa saraakiishii Baydhabo ka soo dejisay sarkaalkan ka tirsanaa Al-shabaab ayaa sheegay uuna watay Gaari Cabdi Bille ah iyo Qori AK-47 ah, isaga oo intaa ku darray in ay siweyn u soo dhaweeyeen.

Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale magaalada Baydhabo geeyay Gaari Cabdi Bille ah oo uu leeyahay Sarkaalkan iyo Darawalkii kaxeynayay.

Dagaalyahanno hor leh oo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa maalintii Jimcaha aheyd iska dhiibay magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaalya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]