4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 25, 2017
Dowladda oo faah faahin ka bixisay qorshayaasha ay kula wareygeyso Amaanka dalka

 

Isniin, December, 25, 2017 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa faah faahin ka bixiyay Qorshaha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula wareegayaan Ammaanka dalka.

Waxaa uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya in ay wadaan dadaalladii ugu dambeeyay ee ciidamada dowladda ay Ammaanka guud ee dalka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in la diyaariyo ciidamadii la wareegi lahaa Ammaanka si Soomaaliya ay u gaarto isku filnaan dhanka ammaanka ah.

Waxaa uu xusay in ay socdaan qorshayaasha lagu hormarinayo laguna tababarayo ciidamada dowladda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshayaal ay ugu diyaar garoobeyso in Amniga dalka ay ciidamada dowladda la wareegaan marka ay guud ahaan dalka ka baxaan Talisyada kala duwan ee ciidamada Midowga Africa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]