4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 25, 2017
Xarrakada Al-shabaab oo fagaare ku toogatay Shan dhalinyaro ah

 

Isniin, December, 25, 2017 (HOL) – Xarrakada Al-shabaab ayaa shalay gelinkii danbe meel fagaaro ah deegaanka Iidaale oo ka tirsan gobolka Baay waxaa ay ku toogteen Shan dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen sirdoon Caaalami ah iyo kuwa Maxalliga ah.

Degaanka Iidaale oo qiyaastii magaalada Baydhabo u jira 60-KM ayaa lagu toogtay dhalinyaradan oo ay ku eedeeyeen Al-shabaab in ay la shaqeynayeen dowladda Mareykanka, Dowladda Federaalka iyo Maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Saraakiisha Shabaab ayaa dadka u sheegay in raggan lagu hellay dhammaan danbiyada lagu soo eedeeyay, kadibna lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa oo lagu xukumay.

Ragga Shabaabka ay toogteen ayaa waxa ay kala ahaayeen Mahad Cali Xasan oo Al-shabaab ay sheegeen inuu la shaqeynayay ciidamada Bancroft ee Maraykanka uu tababaray, Jibriil Saalax Xaaji Maxamed oo la shaqeynayay sirdoonka Dowladda Federaalka, Mahad Cabdi Axmed oo 21 jir ahna wuxuu la shaqeynayay Sirdoonka maamulka Jubbaland, Maxamed Cali Aadan oo la shaqeynayay dowladda iyo C/casiis Ibraahim Maxamed uu la shaqeynayay maamulka Koonfur Galbeed.

Al-shabaab ayaa sidan oo kale dhowr jeer dilal toogasho ah ugu fuliyay rag isugu jira caddaan iyo Soomaali, kuwaasi oo Al-shabaab ay ku eedeeyeen in ay warar hoose u gudbinayeen Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Shisheeye.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]