4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 24, 2017
Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo galabta laga dajiyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

 

Axad, December, 24, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in galinkii danbe ee maanta laga dajiyay saraal ka tirsanaa Al-shabaab.

Isaaq Cabdulle ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta u sheegay in sarkaalka oo laga soo duuliyay degmada Diinsoor ee gobolka Baay galabta laga dajiyay magaalada Baydhabo.

Saxaafadda looma soo bandhigin magaca Sarkaalkan laakiin waxaa la sheegay in sidoo kale Baydhabo uu gaaray Gaari Cabdi Bile ah oo uu lahaa sarkaalka laga dajiyay magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo waxaa dhawaan gaaray Mukhtaar Rooboow Abuu-Mansuur tan iyo wixii xiligaa ka danbeeyayna waxaa halkaa si is dab joog ah u gaarayay xubno ka tirsan Al-shbaaab, oo ku sugnaa qeybo ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool.

Ma jiro ilaa iyo hadda War rasmi ah oo maamulka Koonfur Galbeed uu ka soo saaray Sarkaalka la sheegay in galabta halkaa laga dajiyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]