Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo ka hadlay Arrimaha Maaliyadda dalka
Axad, December, 24, 2017 (HOL)- Madaxa Qaramada Midoobay ugu sarreeya
Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay ansixintii dhowaan la ansixiyay miisaaniyadda federaalka
ee dalka, taas oo ah guul weyn oo laga gaaray horumarinta dhaqaalaha,
waana tallaab dalka u soo dhoweynaysa in uu dhaqaale ka helo hay’adaha
maaliyadeed ee caalamiga ah.
“Tani waxay calaamad u tahay masaafada ay Soomaaliya ka soo gudubtay dhowrkii
sano ee lasoo dhaafay – waxay kusoo dhowaanaysaa inay awood u yeelato inay
cageheeda isku taagto maaliyad ahaan, sida xubnaha kale ee beesha caalamka.
Marki ay hirgalaan tallaabooyinka dakhli ururinta iyo dib-u-habaynta
muhiimka ah, Soomaaliya waxay awood u yeelanaysaa inay hesho deeq iyo maalgelin
shuruudeheedu dabacsanyihiin oo ay ka hesho hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga
ah, bedelkii ay si weyn ugu tiirsanaan lahayd deeq-bixiyeyaasha si ay u
daboosho baahideeda maaliyadeed,” ayuu yiri ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha-Guud
u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.
“Tani waxey dadka Soomaaliyeed ee caadiga ah uga dhigantahay rajo dhab ah oo
lagu helayo dugsiyo waxbarasho oo badan, isbitaallo iyo kaabayaasha aadka loogu
baahanyahay maadaama dowladdu ay awood u yeelan doonto inay soo amaahato lacag
dulsaarkeedu si cadaalad ah loogu jaan-goyay suuqyada caalamiga ah,” ayuu
raaciyay. “Tani waxaa kale oo ay calaamad u tahay xasilooni soo tarmeysa, waana
in dowladihii hore iyo tan hadda jirta lagu amaano dadaalladooda ay hawsha
halkaan kusoo gaarsiiyeen.”
Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa sheegay in deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah
ay Soomaaliya ku leeyihiin $5.2 bilyan. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa
todobaadkii lasoo dhaafay ansixiyay miisaaniyadda 2018ka, iyadoo xirmadan ka
kooban $274 malyan ay tahay tallaab muhiim ah oo wax looga qabanayo shuruudaha
dib-u-habaynta maaliyadeed ee ‘Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada’
(SMP) ee Sanduuqa Lacagta Adduunka ugu talo galay dalalka bariga Afrika.
Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada waxaa loogu talo galay
horumarinta dadaallada dib u dhiska dhaqaale iyo in loo suurto geliyo dalalka
inay sameystaan diiwaan dabagal oo loogu talo galay hirgelinta siyaasadda iyo
dib-u-habaynta. Soomaaliya waxay durba dhamaystirtay Barnaamijkii ugu horreeyay
ee Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada sanadkii 2016-2017.
“Waxaa na dhiirigelinaya ballan-qaadyada madaxda iyo xawaaraha
dib-u-habaynta ee lagusoo celinayo hay’adihii dhaqaalaha iyo maaliyadda ee
muhiimka ahaa, waxaana soo dhoweynaynaa dadaalladooda ku aaddan in barnaamijku
kusii socdo si sax ah,” ayuu Sanduuqa Lacagta Adduunka ku yiri war-saxaafadeed
kadib kulankii ay todobaadkii lasoo dhaafay la qaateen madaxda Soomaaliyeed.
“Hawl-qabashada madaxda ee ku aaddan Barnaamijka Kor-joogteynta Hawl-Wadeennada
ee bishii September 2017 ayaa si weyn loogu qancay.”
Sanadka soo socda ayaa Sanduuqa Lacagta Adduunka wuxuu go’aanka ugu dambeeya
ka gaari doonaa u hogaansanaanta Soomaaliya ay u hogaansantay shuruudaha
Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada ee sanadka 2017, waxaana
wada-xaajood laga geli doonaa Barnaamij Kor-joogtayn Hawl-wadeenno oo
daba-socda midka lasoo gabagabeeyay.
Ergeyga Gaarka ah Keating ayaa ugu baaqay madaxda dalka inay xaqiijiyaan in
qiimaynta sanadka soo socda lagu samayn doono horumarka Soomaaliya in uu noqdo
mid wanaagsan, iyadoo wixii kala duwanaan siyaasadeed ah lagu xallinayo
wadahadal iyo niyad wanaag.
“Xasillooni siyaasadeed waxaa ay wax ka taraysaa uun sidii lagu xaqiijin
lahaa arrimahaas,” ayuu yiri. “Waxay gacan ka geysanaysaa sidii loosoo jiidan
lahaa maalgelinta hay’adaha dowladda iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay,
waxayna xoojinaysaa horumarka dalka ee kobcinta maaliyadeed.”
Soomaaliya ma awoodin inay xalliso deymaha dibadda loogaga leeyahay tan iyo
markii dagaallada sokeeye ay dillaaceen sanadkii 1991.
Iyadoo ay halakeeyeen abaaro iyo colaado hubaysan, iyo weliba horumar
la’aan, ayaa hadda Soomaaliya waxay ku tiirsantahay deeq-bixiyeyaasha caalamiga
ah si ay wax uga qabato inta badan baahideeda maaliyadeed.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’
ayaa dhowr jeer ugu baaqay deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah ee dalka ku leh
deymaha inay deymahaas ka cafiyaan Soomaaliya iyadoo loo marayo waxa loogu
yeero Barnaamijka Dalalka Saboolka ah ee Deymaha Culus lagu Leeyahay (HIPC), oo
ay asaaseen Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka sanadkii 1996 si ay
u xaqiijiyaan in dal sabool ah aanu la kulmin culays deyn oo ka badan
awooddiisa adeeg-bixin iyo maareynta [arrimihiisa].
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]