4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 24, 2017
C/raxmaan Faroole oo eedeyn u jeediyay Guddoonka Gollaha shacabka iyo Wasiirka Dastuurka

 

Axad, December, 24, 2017 (HOL)- Madaxweynihii hore ee maamul gobolleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo ka mid ah xildhibaannada Aqalka sare Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa eedeyn u jeediyay guddoonka sare ee baarlamaanka.

Waxaa uu eedayn kulul u jeediyey guddoonka golaha Shacabka Soomaaliya oo uu sheegay in ay faro-gelin xooggan ku hayaan dowlad gobolleedka dalka, islamarkaana ay burburinayaan nidaamka federaalka Soomaaliya.

‘’Waxaa lala dirirayaa nidaanka federaalka ah, waxaana qeyb ka ah dowladda Federaalka qeybaheeda qeyb ka mid ah, gaar ahaan guddoonka shacabka oo siweyn faragalin ugu haya nidaanka federaalka’’ ayuu yiri Faroole.

Waxaa uu sheegay in taasi ay tahay nasiib daro weyn , islamarkaana hadda aan loo baahan yahay in dalka dib loo celiyo.

Dhinaca kale waxaa uu eedeyn ballaaran ujeediyay Wasiirka Dastuurka oo sida uu hadalka u yiri aan ku habooneyn wasaaradda loo magacaabay.

Wasiir Xoosh ayuu ku eedeeyay in uu ahaa shaqsiggii markii horeba loo heystey qaladaadka ku jira Dastuurka oo sida uu hadalka u dhigay uu ka dhigtay Buug Jeebkiisa ah.

Hadalka Xildhibaan Faroole ayaa imanaya xili magaalada Garoowe uu ku soo dhamaaday shirka arrimaha Dastuurka Wajigiisii saddexaad waxaana shirkaa goobjoog ka ahaa wasiirka Dastuurka iyo wasiiradda maamul gobolleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe.

Hay’adda Qaramada Midoobey ayuu ugu baaqay in ay si deg deg ah faraha kala baxaan arimaha dastuurka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]