4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 24, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo uga digay ciidamada in ay isku abaabulaan hab Qabiil

 

Axad, December, 24, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa uga digay ciidamada dowladda Soomaaliya in ay isku abaabulaan hab Qabiil, isaga oo taa badalkeeda ka dalbaday in ay difaacaan Qarannimada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uusan jirin Askari xun, laakiin mar walba halka ay wax ka qariban yihiin tahay saraakiisha oo haddii ay xumaadaan ay adag tahay in uu hagaago Askarigu.

“Askari xun ma jiro, laakiin waxaa jira sarkaal xun, maxaa yeelay ficilka askariga waa ficilka madaxdiisa, waxaa loo baahan yahay waajibaadkeena in aan gudano”ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in loo fikiro qaab ka duwan sidii hore oo aheyd wixii Soomaalida dib u dhigay oo ah qabyaalad, isla markaana loo baahan yahay in loo fikiro qaab qaran.

“Hadii qaabkii hore aan ku jirnay iyo duruufihii adkeyd aan u fikireynay oo ah qaababka guracan ee qabyaalada ama beelo, waa in aan u fakirno qaab qaran, qaranka wuxuu u baahan yahay in aan ka fikirno oo aniga ugu horeeyo, waxaa halkan u fadhiyaa umadda Soomaaliyeed, qof qabiil xafiis u fadhiya ama qof matalaya ma jiro, qofka markii uu qaranka u dhaartay qabiil wuu ka fogaaday, wax la isku dhex wadi karana ma ahan”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa hadalka ka jeediyay munaasabad tababar loogu soo xirayay dufcadii u horeysay ee ciidamo lagu tababaray xerada Ciidamada Turkiga ku leeyahay magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]