Xabad joojin lagu soo afjarayo collaada Suudaanta Koonfureed oo hirgashay
Axad, December, 24, 2017 (HOL)
– Xabad joojin ay dhawaan kala saxiixdeen dowladda Suudaanta Koonfureed iyo
falaagada hubeysan ayaa ka dhaqan gashay dalkaasi, tallaabadan ayaana ah
isku-daygii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo dagaal sokeeye oo halakeeyay
waddankaasi afartii sano ee lasoo dhaafay.
Heshiiska xabad joojinta ayaa dowladda Suudaanta Koonfureed
iyo falaagada dagaalka kula jirta waxa ay ku kala saxiixdeen maalintii
Khamiistii dalka Ethiopia.
Heshiiskan ayaa dhigaya in hey'ddaha gargaarka loo ogolaado
inay gurmad garsiyaan dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay collaada ka jirtay
waddankaasi.
Dhowr heshiis oo horay loo saxiixay ayaa burburay, waxaana
dagaalka sokeeya ee dalkaasi lagu dilay tobonaan kun oo qof, halka malaayiin
kalena ay ku barakaceen.
Dhammaan isku-dayadii hore ee lagu doonayay in lagu gaaro
heshiis nabadeed oo dhexmara madaxweyne Salva Kiir iyo ninka sida weyn uga soo
horjeedo Riek Machar ayaa guuldareystay.
In ka badan hal malyan oo qof oo u dhalatay Suudaanta
Koonfureed ayaa u qaxay dalalka dariska la ah, iyada oo hay'addaha gargaarkuna
ay ka digeen cuna yari ba'an.
Xabad joojintaan ayaa ka dhigan tallaabadii ugu horreysay oo
lagu guuleysto, waxaana xigi doono wadahadalo kale oo haddii guul laga gaaro,
ugu dambeyn la qaban doona doorashooyin.
BBC