War laga soo saaray shirkii arrimaha Dastuurka ee Garoowe ka dhacay
Axad, December, 24, 2017 (HOL) – Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha
Dastuurka kulankiisii Seddexaad ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe,
waxaana laga soo saaray War-murtiyeed ka koobnaa 12 qodob.
Lataliyaha Wasaaradda Dastuurka ee
arrimaha Warfaafinta iyo Xiriirka, Cabdicasiis Cabdi Xaaji Gobdoon ayaa Wadaxaajood
iyo falanqayn dheer kaddib Warfidiyeenada u Aqriyay qodobadan soo scoda oo ay
madashu isku raacday:-
1) Madashu waxaa ay uga mahad celisay dowlad gobolleedka Puntland ee martigelinta shirka sadexaad ee madasha.
2) Madashu waxa ay soo dhaweysay heshiiskii ay gaareen Wasaaradda Dastuurka
ee XFS, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga
Madaxanabnaan ee Dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka.
3) Madashu waxay ay ka mahad celineysaa ammaanta ay u soo jeediyeen madaxdii
ka qaybgashay shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka dhacay Muqdisho 5tii November
2017.
4) Shirka Madasha waxaa lagu ansixiyay Istiraatiijiyadda Waxbarashada
Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka
ee labada sano ee soo socota.
5) Madasha waxaa lagu go’aamiyay daadejinta Waxbarashada Madaniga iyo
Wacyigelinta Bulshada illaa heer gobol, degmo iyo tuulo, iyadoo kaalin lixaad
leh ay ka ciyaarayaan Wasaaradaha Dastuurka ee Dawladaha Xubanaha ka ah
Dawaladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyagoo kaashanaya
bulshada qaybaheeda kala duwan.
6) Madashu waxa ay soo dhaweeysay safar hawleedka wadajirka ah ee ay
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS iyo labada Guddi ee ku shaqada leh arrimaha
dib-u-eegista Dastuurka ay ku tagi doonaan Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda
Federaalka Soomaaliya si ay wadatashi ula sameeyaan madaxda sare iyo
Wasaaradaha.
7) Madashu waxay soo dhaweyneysaa qabashada shirweynaha qaran ee daahfurka
Ololaha Dib-u-Eegista Dastuurka, kaas oo ka dhici doono magaalada Muqdisho
horaanta 2018.
8) Madashu waxa ay isku raacday in Guddiga Farsamada ee Golaha Iskaashiga
Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya lagu soo daro Madasha
Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Federaalka, Dawladaha Xubanaha ka ah
Dawaladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
9) Madashu waxay isla garatay in kulanka afaraad ee madasha lagu qabto
magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Dawladda Koonfur Galbeed
Soomaaliya.
10) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS waxaa ka go’an xoojinta wada-shaqaynta
iyo wadajirka Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladaha Xubanaha ka ah
Dawaladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir si looga guul
gaaro Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.
11) Madashu waxay si weyn u bogaadinaysaa kaalinta madaxda sare ee Qaranka
iyo sida ay ugu heelanyihiin dib-u-eegista iyo dhameystirka Dastuurka.
12) Madashu ugu dambayn waxay u mahadcelinaysaa Beesha Caalamka
taageeradooda ku aadan hanaanka dib-u-eegista dastuurka iyo dhameystirkiisa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]