4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 16, 2017
Kalfadhigii labaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo la soo xiray


Sabti, December,16, 2017 (HOL)- Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta soo xiray Kalfadhigii labaad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Mudanayaasha Kulankaan Soo xaadiray ayaa waxa ay tiradoodu gaareysaa 173 Xildhibaan.

Ajendaha Kulanka maanta ayaa waxaa ka mid ahaa qoddobada kala ah.

1. Soo bandhigidda Warbixinta Guddiga Dastuurka ee BFS
2. Warbixinta Guud ee Howlqabadka Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Shacabka
3. Hadaljeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka u abbaaran Hakinta Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Shacabka

Xildhibaanada ayaa loo qeybiyay Ajendayaasha kulankii maanta, iyadoo kulanka warbixin ay ka jeediyeen guddiga dastuurka oo ka hadlay halka uu marayo arrimaha dastuurka.

intaas kadib ayaa waxaa mudanayaasha golaha shacabka loo qeybiyay Warbixinnadii iyo waxyaabihii u qabsoomay inta lagu guda jiray kalfadhiga 2-aad ee golaha Shacabka.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa galay fasax 2 bil ah iyagoo dib u soo laaban doona bisha Maarso sanadka cusub.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa hadal jeedin ka hor sameeyay xildhibanada hortooda asagoo uga mahad celiayay Shaqadii ay soo qabteen sidoo kalena ku booriyay in la dar dargaliyo Howlaha kale ee horyaalla

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]