4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 16, 2017
Galmudug iyo Jubbaland oo cayaar Xiiso leh Galabta ku balansan

 

Sabti, December, 16, 2017 (HOL) – Garoonka Kubadda Cagta Stadium Koonis waxaa Galabta 3:30 galabnimo ku balansan Kooxaha Kubadda Cagta Jubbaland iyo Galmudug cayaar qeyb ka ah is reereebka Tartanka maamul gobolleedyada.

Labadan Kooxood mina dhibic malaha oo waa laga soo badiyay ma jirto cayaar ka danbeysa tan galabta oo u dhiman, taasoo macnaheedu yahay in kulanka maanta uu noqon doono mid kala bax ah oo laga sugayo kooxdii u gudbi laheyd cayaarta Afar dhameedka oo ay hadda u soo gudbeen Kooxaha Kubadda Cagta Banaadir oo 6 dhibcood ku soo baxday, Koonfur Galbeed oo 4 dhibic ku soo gudubtay iyo Puntland oo 2 dhibic sidata.

Waxaa tartanka xaqiiqsatay in ay isaga hartay Hirshabeelle oo hal dhibic oo kaliya keensatay.

Labada Kooxood ee galabta is arkaya ayaa waxaa horay uga soo badiyay Xiddigaha gobolka Banaadir, hasse ahaatee cayaarta galabta ayaa uga dhigan sidii Final oo kale madaama koox walba xoogga saareyso in ay u gudubto wareega labaad ee tartanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]