4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 16, 2017
In ka badan 60 ruux oo shacab ah oo lagu dilay dalka Yemen


Sabti, December, 16, 2017 (HOL) - In ka badan 60 qof oo Shacab  ah oo dhashay dalka Yemen ayaa ku dhintay duqeyn ay shalay dowladda Sucuudiga ay ka fulisay goobo ay ku sugan yihiin Xuutiyiinta.

TV-ga Al-Masirah ee Yemen ayaa sheegay in diyaaradaha Sacuudiga ay duqeyn ku dileen degmada Mawza ee galbeedka gobolka Ta’izz ku dhawaad 15 qof oo Shacab ah.

Warbaahinta iyo ilaha ammaanka ayaa sidoo kale ku soo waramay Jimcihii in Weerar dhanka Cirka ah  ay ku nafwaayeen 28 qof oo ku noolaa xeebaha galbeed ee Yemen.

Suuq ku yaalla gobolka Sacda ayaa sidoo kale , waxaa ka dhacday Duqeyn , waxaana ku dhintay dad ku dhow 20 qof.

Dhammaan duqeymahaan waxaa ay dhaceen maalintii shalay aheyd gelinkii dambe ee Jimcaha.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegtay in dowladda Sacuudiga ay xoojisay duqeymaha ka dhanka ah Xuutiyiinta, islamarkaana ay beegsanayaan goobaha dadweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]