4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 16, 2017
Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Jubbada Hoose

 

Sabti, December, 16, 2017 (HOL) - Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee dowladda Mareykanka ayaa xalay lagu waramayaa in ay duqeyn ka fuliyeen deegaan hoostaga degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Duqeyntan ayaa waxaa si gaar ah loola beegsaday Saldhig Ururka Al-shabaab ay ku lahaayeen Degaanka Beer-Xaani ee gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha Qeybta 43-aad ee ciidamada xoogga dalka General Ismaaciil Saxardiid ayaa Idaacada ciidamada Qalabka Sida u sheegay in duqeynta ay ka dhacday Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Beer-Xaani.

Sidoo kale General Saxardiid ayaa xaqiijiyay duqeynta xilliga ay dhacaysay in Saldhiga uu shir uga socday Saraakiil ka tirsan Al-shabaabka ku sugan gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in la dilay Sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka Gobolka Jubbada Hoose iyo Sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa Zakawaadka ee Degaanka Beer-xaani, isaga oo sidoo kale tilmaamay in la dilay 15 ka tirsanaa xoogagga Al-shabaab.

Duqeyntan oo ay amartay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saraakiisha waxa ay sheegeen in ay soo bandhigi doonaan magacyada iyo sawirrada Al-shabaaab lagu dilay duqeynta.

Wasaaradda Difaaca Xukuumadda Soomaaliya ayaa War ay soo saartay waxaa ay ka dalabtay dowladda Mareykanka in ay la joogteeyo weerarada Cirka ee ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana bilihii ugu danbeeyay sii kordhayay duqeymaha lagu beegsanayo saldhigyada Al-shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]