Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xoojineysa isla xisaabtanka ciidamada xoogga dalka
Jimco, December, 15, 2017 ( HOL) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay xoojineyso isla xisaabtanka ciidamada xoogga dalka, kaddib markii dowladda Mareykanka ay ku dhawaaqday in ay joojisay saadkii ay siin jirtay ciidamada.
War-Saxaafadeedka ayaa sidan u Qornaa :
Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo in muddo ah waday isla
xisaabtanka hay'adaha Dowladda si loola dagaallamo musuqmaasuqa, ayaa bilowday
daraasad lagu hubinaayo tirada ciidamada iyo bixinta mushaaraadka si ciidanka
loogu dhiirrigeliyo dagaalka lagula jiro kooxaha aragaxisada ah.
Maadaama ay socoto daraasad lagu qiimeynayo awooda
ciidanka (Operational Readiness Assessment) ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya
iyo Dowladda Mareykanka waxaa ay isla garteen in muddo kooban la hakiyo
taageerada cutubyo ka tirsan ciidanka XDS si dib u qaabayn loogu sameeyo
gargaarka amniga.
Hakinta waxa ay salka ku haysaa keddib markii ay dowladda
Mareykanka soo dirtay guddi baaris ku sameeya meelaha lagu bixiyo kaalmada
Mareykanku siiyo ciidamada bishii May ee sanadkan si dib u habeyn loogu sameeyo
hannaanka loo caawiyo ciidamada iyo in la xaqiijiyo in kaalmada loogu talagalay
ciidamadeenna ay gaaraan meelaha loo qoondeeyay. Guddigaas waxa ay daba socdeen
in ay xaqiijiyaan sidii loo isticmaalay kaalmadii ay Mareykanu bixiyeen
dhawrkii sano ee u dambeysay.
Markii uu Barlamaanku ansixiyay Xukuumadda uu hoggaamiyo
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre bishii Abriil ee sanadkan, waxaan albaabada
u furnay saaxiibada naga taageera arrimaha ciidamada si aan u abuurno nidaam ku
dhisan daahfurnaan iyo isla xisaabtan.
Iyada oo taasi laga duulayo, waxa ay Dowladda Federaalka
Soomaaliya sameysay guddi baaritaan kusoo sameeya tirada iyo tayada ciidamada
Milatariga iyo Booliiska, meelaha ay kala joogaan iyo qalabka ay haystaan.
Hakintan wax saameyn ah kuma laha heshiiskii ay labada
dhinac kala saxiixdeen 5tii bishan iyo taageerada ay Dowladda Mareykanku ku
bixiso cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Ciidamada XDS.
Waxaa xusid mudan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay
bilowday in ciidamadeenna lagu diiwaangeliyo qaab electronic ah oo ka hortagaya
in la musuqmaasuqo mushaaraadka ciidamada, laguna xaqiijinayo tirada iyo tayada
ciidanka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in
dib-u-habeyn dhab ah lagu sameeyo ciidamada iyo hay’adaha maaliyadda, lana
xoojiyo daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.
Waxaan u mahadcelinaynaa Dowladdda Mareykanka iyo
Dowladaha kale ee aan saaxiibka nahay taageerada joogtada ah ee ay la garab
taaganyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ugu dambeysay heshiisyadii
labo dhinaclaha ahaa ee aan wada saxiixannay toddobaayadii lasoo dhaafay.
Sidoo kale, waxaan soo dhaweynaynaa warbixintii Sanduuqa
Lacagta Adduunka uu sii daayay toddobaadkii hore kaas oo lagu sheegay in
Dowladda Federaalka ah ku guuleysatay qorshihii ay sanadkan ku heshiiyeen
hay’adda IMF kaas oo muujinaya in lagu kalsoonyahay hay’adaha maaliyadda dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]