Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo maanta ka furmaya dalka Turkiga
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) – Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa
maanta ka furmaya shirka ururka iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo (OIC),
kaasi oo uu ku dhawaaqay 6-dii bishan Madaxweyne Recep Tayyip Erdogen.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dalalka ku mideysan Ururka
Iskaashiga Islaamka ( OIC ), iyaga oo uga hadli doona xaalada magaalada
Barakeysan ee Quddus.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Isniintii gelinkii dambe ka amba baxay
Muqdisho ayaa Soomaaliya ku metelaya shirkan.
Shirkan ayaa si Gaar ah salka ugu haya arrimaha ka soo kordhay magaalada
Barakeysan Al-Qudus iyo sidii dalalka Muslimka ah ay go’aan mideysan uga qaadan
lahaayen arrinkan.
Go’aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Arbacadii ugu aqoonsaday
magaalada Qudus caasimadda Isra’iil waxaa uu kiciyey fal cellino caro leh oo ka
yimid beesha caalamka iyo dunida Carabta kaasi oo lagu diidayo go’aankani.
Dowladda Soomaaliya, oo 8-dii bishan bayaan ka soo saartay tallaabada
Mareykanka uu Magaalada Qudus ee dhulka Falastiiniyiinta ugu aqoonsaday inay
tahay caasimadda Israel ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay go’aanka
xasaasiga ah ee uu qaatay Madaxweyne Donald Trump, waxayna ugu baaqday in uu ka
fiirsado halista uu go’aankani ku yeelan karo mustaqbalka Bariga Dhexe.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]