Duqeyn xalay ka dhacday deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose
Talaado, December, 12, 2017 (HOL) - Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxayaa
Duqeyn Diyaaradeed oo xalay ka dhacday deegaanka Mubaarak oo ka tirsan gobolka
Shabeellaha Hoose.
Dadka deegaan ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyntan ay dhacday xalay
03:00-AM, waxaana ay sheegeen in ay maqleen Jugata xooggan.
Goobjooge ayaa sheegay in duqeynta ay
timid kaddib markii xubno ka tirsan ururka Al-shabaab ay doonayeen in Gaari Caasi ah ay ku soo Rararaan waxyaabaha Qarxa oo dusha sare laga soo saary Moos ay diyaaraduhu bartilmaameedsadeen.
Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntan, iyo
cida sida rasmiga ah u fulisay, inkastoo loo maleynayo in ay ka dambeeyeen diyaaradaha
Mareykanka.
Todobaadyadii ugu danbeeyayba qeybo ka mid gobolka Shabeellaha Hoose waxaa
ka dhacayay duqeymo xoogga oo lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada Al-shabaab
iyo saraakiishooda, taasoo keentay in tiro ka badan oo ka mid ah
dagaalyahannadooda u firxadeen gobollada dhexe Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]