Dhakhaatiirta Isbitaalka Kalkaal oo bilaabay Qaliinno Casri ah Sawirro
Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Isbitaalka Kalkaal Speciality
Hospital ayaa bilabay qaliimo iyo daweyn casri ah, waxaan yimid kana howl
galaya dhaqaatiir u dhalatay dalka Hindiya oo ku taqasusay cudaro kala duwan.
Dhaqaaiira timid Isbitaalka
Kalkaal waxaa ka mid ah Dr’ Ravish oo ku taqasusay Cudurada ku dhaca Kilyaha, Kaadi
mareynka iyo habtaranka Ragga, sida daweyn ta dhalma la’aanta ragga qalinka
dhagaxaanta kilyaha iyo kadi mareynka ,qalinka qanjirka boristaatada.
Sidoo kale Kalkaal waxaa ka
howlgalaya Dr Praveen oo ah dhaqtar isna u dhashay dalka India oo ku taqasusay xanuunaha
lafaha, Qaliinka ka lafdhabarta (Spein Surgery ) Qaliinka Jilbaha ,Sinaha iyo Daweyntooda,
toosinta lafaha qaloocday kaabista lafaha buburay, cayaartooda ka Jaba lafaha,
daweyn iyo Qaliinno.
Isbitaalka Kalkaal ayaa hada
bilaabay daaweynta iyo qaliinada cudurada aan kor ku soo sheegnay ,Isbitaalka
ayaa ku yaala inta udhaxeysa isgooska Banadir iyo Isbitaalka Digfeer ee Degmada
Hodan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]