Dilal ka dhacay magaalada Muqdisho iyo dulleedkeeda
Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Faah
faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilal xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho
iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.
Xaafada Siliga ameerikaanka ee degmada Dharkenley ayaa xalay waxaa
lagu dilay nin la sheegay in uu dadka deegaanka ka mid ahaa, dilkiisa waxaa loo
adeegsaday Qori AK47, Waxaana meydkiisa la keenay Xarunta danbi baarista
ee CID
Sidoo kale deegaanka Ceelasha Biyaha ee dulleedka Muqdisho ayaa lagu
waramayaa in lagu dilay Labo Wiil oo
Walaalo ah, waxaana dilkooda geystay kooxo hubeysan.
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo soo gaaray goobaha ay ka dhaceen dilalka ayaa
halkaa ka sameeyay baaritaano, ilaa iyo haddana faahfaahin kama bixin cid lagu
soo qabtay.
Amniga Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay ahaa Mid wanaagsan,
waxaana ciidamada dowladda ay wadeen howlgallo lagu xaqiijinaayay Ammaanka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]