4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 20, 2017
Wefti ka socda dalka Britain oo kulamo la yeeshay xisbiyadda iyo xukuumadda Somaliland

 
Axad, August, 20,  2017 (HOL)- Wefti uu hogaaminayo wasiiru-dowlaha dalka Britain ee iskaashiga caalamiga ah  ayaa maanta kulamo la yeeshay hogaamiyeyaasha xisbiyada iyo xukuumadda.

Weftigan ayaa gaar gaar ula kulmay gudoomiyeyaasha saddexda xisbi iyo xukuumadda, waxaanay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo iskaashiga ka dhexeeya labadda dhinac.

Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa ka warbxiyey kulankii ay wada yeesheen weftigan  ayaa sheegay inay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya Somaliland iyo SOomaaliya.

“weftigan waxa hogaaminayey Wasiirudawlaha iskaashiga caalamiga ee Ingiriiska, waxaana la socday safirka Uk u qaabilsan Soomaaliya iyo saraakiil kale, waxay aad u danaynayeen doorashada oo socda iyo doorashada ka dib-ba, waxaanu u sheegnay in Somaliland nabadgalyada ay samaysay dan u tahay geeska Afrika”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Waxa kale oo uu Faysal Cali Waraabe sheegay in weftiga u sheegeen in xalka Soomaaliya ku jirin farogalin ajanabi ee gacantooda ku xalisan karaan, waxaanu yidhi “ waxa kale oo aanu u sheegnay in nabadgalyada soomaaliya lala doonayo ay ku jirto gacandooda oo aanu  xal ugu jirin gacmo Ajanabi , kuwaas oo aan xal u keeni Karin, wadamada jaarka iyo cid kale toona nabadgalyo kama dhalin karaan balse way sii dheeraynaaa”

Waxa kale oo uu sheegay inuu uga mahad naqay taageerada ay siiyaan Somaliland wadanka Ingiriiska oo ay wax kala qabtaan arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda, waxaanu usoo jeediyey in dadkii abaaraha xoolo tirtay wax kala qabtaan sidii noloshoodii hore loogu soo celin lahaa.

Dhinaca kale, gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa isna ka war bixiyey kulankaasi ay la yeesheen weftigan ka socda UK oo ay maanta kulmeen.

“waxa maanta inoo yimid weftigii ugu cuslaa oo ka socda wadanka Ingiriiska, oo ka koobna ilaa tobaneeyo qof oo uu hogaaminayo wasiir oo uu ku jiro safiirka Ingiriiska u fadhiyey Soomaaliya, agaasimeyaal kale oo la socday wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska iyo wadamada deeqda bixiya waxay u yimaadeen Somaliland, inay kala hadlaan arrimaha doorashooyinka, iyo horumarka iyo iskaashiga ka dhexeeya Somaliland”ayuu yidhi Cirro.

Weftigan ayaa labadda xisbi mucaaradka gaar ula kulmay, halka xisbiga kulmiye iyo xukuumadana midba gaar ula kulmay, waxaana ka wada hadlayeen arrimaha doorashooyinka iyo caqabooyinka ka hor yimid mudadii kaadh qaybinta iyo sidii doorashaddu u dhici lahayd si dimuqraadi ah.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.