Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno ka tirsan Al-shabaab lagu dilay weerar ka dhacay Jilib
Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) – War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada warfaafinta
dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda oo garabsanaya
ciidamada dowladda saaxiibada la ah Soomaaliya ku dileen Jubbada dhexe 7 ka
tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in raggan la
bartilmaameedsaday uu ka mid ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab waxaana
uu weerarka ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.
“Ciidamadeenu waxay dileen toddoba ka tirsan xoogagga
Al-Shabaab oo uu ku jiro hoggaamiye sare oo mas’uul ka ahaa qaraxyo ka dhacay
magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda warfafainta.
Waxaa dhawaannahay marka la eego gobollada Koonfurta
Soomaaliya sare u kacay weerarrada tooska ah iyo kuwa cirka oo ay geysanayaan
ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dowladdaha kale ee gacanta ka siiyna iyadoo
weerarrada lagu beegsanayo hogaamiyayaasha ka tirsan ururka Al-shabaab.
Dhawaan waxaa dowladda Soomaaliya isku soo dhiibay Sheekh
Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo ka tirsanaa hogaamiyayaasha sar sare ee
Al-shabaab iyo aas-aasayaashii Ururka, waxaana uu warbaahinta u sheegay in uu
isaga baxay 5 sano ka hor.
Horaanti August, dowladdaha
Maraykanka iyo Soomaaliya waxay xaqiijiyeen in hawlgal ka dhacay deegaanka
Toora-Toorow lagu dilay madaxii ururka Al-Shabaab u qaabilsanaa magaalada
Muqdisho Cali Maxamed Xuseen [ Cali Jabal ]
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]