4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 17, 2017
Muhaajiriin laga badbaadiyay xeebaha dalka Spain

 

Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) – Ilaa Lix boqol oo muhaajiriin ah ayaa laga badbaadiyay xeebaha dalka Spain iyo shan toban Doon oo la soo shiraacday sida la sheegay dalka Morocco.

Saraakiisha dalkaasi ayaa sheegaya in doomaha dalkaasi gaaray ay saddex jeer ka badan yihiin kuwii sanadkii hore, kuwaas oo ay saaran yihiin muhaajiriin.

Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa in siddeed kun oo qof ay tageen dalka Spain sanadkan.

In ka badan boqol iyo labaatan qof ayaa loo maleynayaa in ay ku quuseen xeebaha Spain iyagoo isku dayaya inay dalkaasi gaaraan.

Tiro intaa ka badan - ku dhowaad boqol kun - oo ka tegay dalka Liibiya ayaa gaaray Talyaaniga tan iyo bilowgii sanadkan.