FBI –da oo lacag u balanqaaday cidii soo sheegtay qofkii ka danbeeyay weerarkii Masjidka Daaru Faaruuq
Khamiis, Augusto, 17, 2017 (HOL) – Hay’adda
FBI-da ee dambi-baarista Maraykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin lacageed oo
dhan $ 30 kun oo dollar oo la siin doono cidii soo sheegta dadkii ka dambeeyey
weerarkii qaraxa ahaa ee loo gaystay masaajidka Daaru Faaruuq ee magaalada
Bloomington ee gobolka Minnesota.
Weerarkaas ayaa dhacay Labo todobaad ka hor, ilaa haatan cid looma qaban
sida ay sheegeen laamaha amniga ee gacanta ku haya kiiska la xiriira weerarka Masjidka.
Ururrada Islaamka oo iyaguna arintan si gaar ah isha ugu haya ayaa
ballanqaaday $ 24 kun oo dollar.
Dadka musliimta ah ee dalka Mareykanka oo ay Soomaalidu ka mid yihiin ayaa cabsi
xooggan ka muujiyay falkaasi.
Aqalka Cad ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay in wax laga xumaado in la
weeraro goob cibaado.
Masjidka la weeraray ayaa waxaa ku badan dadka muslimiinta ah gaar ahaan
dadka Soomaaliyeed .
Tan iyo markii la doortay madaxweyne Donald Trump waxaa
kordhay tacadiyadda iyo weerarada loo geysanaayo dadka muslimiinta ah ee ku nool gudaha dalka Mareykanka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]