4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 16, 2017
Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda oo lagu wado in uu booqdo Tuulada Golweyn oo lagu dilay 12 askari

Arbaco, Augusto, 16, 2017 (HOL) –Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda (UPDF) General David Muhoozi, ayaa Talaadadii shalay booqasho rasmi ah ku yimid Magaalladda Muqdishu.

Ujeedka booqashadiisa ayaa lagu sheegay qiimeynta howlgalka ka socda dalka Soomaaliya. Sidoo kale booqashadiisa ayaa waxaa ay tahay tii ugu horreysay tan iyo markii loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Difaaca Dalka Uganda.

Inta uu ku suganyahay dalka Soomaaliya, waxaa uu kulamo la qaadan doonaa saraakiisha, waxaana sidoo kale uu kormeer ku sameyn doonaa saldhigyada ciidamada.

“Ujeedada booqashada ayaa ah hubinta howlgalka ciidamada, sidoo kale waxaa uu booqan doona tuulada Golweyn oo ah halkii dhawaan Al Shabaab ay ku dileen askar badan oo ka tirsan kuwa dowladda Uganda”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay AMISOM.

Gen. Muhoozi, ayaa shalay waxaa uu la kulmay taliyaha howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Gen. Osman Noor Subagle iyo Ambassador Madeira.

Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Amb. Francisco Madeira, ayaa dowladda iyo shacabka dalka Uganda, uga mahadceliyay taageerida ay muujiyeen.

Ambassador Francisco Madeira ayaa xaqiijiyay in 12 askari ciidamada AMISOM looga dilay weerar ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose bishii lasoo dhaafay.

Warsaxaafadeed uu Muqdisho ka saasaarey ayuu ku sheegay in ay ciidamada wadeen shaqo maalmeedkooda iyaga oo sugayey amniga dariiqa u dhaxeeyo Muqdisho iyo Baraawe oo warsaxaafadeedka lagu sheegay in ay tahay wado sahayda ciidanka la mariyo.

Francisco Madeira ayaa warsaxaafadeedkan ku sheegay in 12 askari weerarki looga diley, 7 kalena looga dhaawacay, kuwaas oo hadda caafimaadkooda lala tacaalayo.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia