4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 15, 2017
Golaha Wakiiladda Soomaaliland oo sheegay inay dhaxdoodda ka xalinayaan murankii soo kala dhexgallay

 

Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) – Kulan ay iskugu yimaadeen shirgudoonka golaha wakiiladda iyo dhinacyaddii is hayey ayaa la isku afgartay in murankii doorashadda golaha Wakiiladda ka dhashay gudahooga ku xaliyaan sida ay maxkamadda sare qaraarka ku soo saartay.

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha Wakiiladda Dr Cali Yuusuf ayaa shacbiga reer Somaliland ee ka walaacsan khilaafka golaha soo kala dhexgalay ugu bushaareeyey inay xalinayaan khilaafkooda, waxaanu sheegay in laba guddi soo kala magacaabi doonaan labadda dhinac ee khilaafku soo kala dhexgallay.

Sidoo kale, Gudoomiyaha golaha Baashe Maxamed Faarax iyo xildhibaan Talyanle ayaa sheegay in toddobaad la fasaxay golaha si loo dhameeyo khilaafka golaha ka dhex jira.

“ nasiib wanaag labada dhinac qalbi fiican bay la yimaadeen oo ah in la isku soo dhowaado oo la is afgarto, marka waxa la isla gartay in toddobaadka golaha la fasaxay in guddi labadda dhinac ka kooban la soo magacaabo, oo labadda gudi wada hadlaan, toddobaadkaasna lagu dhameeyo wixii lagu kala gadisnaa”ayuu yidhi Cali Yuusuf, gudoomiye ku xigeenka 2aad.

 

Mar uu la hadlayey shacabka Somaliland waxa uu yidhi “Dadweynaha waxaan u sheegaya woxooga way ka warwarsanaayeen khilaafka golaha, goluhu waa golihiina wax dhibaato ah oo ka dhacaysa ma jirto , marka maanta intii badnayd waanu dhamaynay”

Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax ayaa isna sheegay in golaha la faxay toddobaad kale oo uu ku sheegay In kaadh qaybinta doorashooyinka iyo muranka soo kala dhexgalla loo fasaxay golaha.

“shirgudoonku markii uu la tashaday xubnihii dhinacyadda is hayey, markii aanu ogaanay inay kaadh qaadasho jirto Sool iyo Sanaaag, waxaanu isla garanay shirgudoon ahaan in golaha toddobaad la fasaxo oo illa Axadda dambe ah, muranaddii jirinay in lagu dhamaystiro toddobaadka goluhu fasax yahay.”ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax gudoomiyaha golaha Wakiiladda.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo ahaa musharaxii kale ku doodayey inuu gudoomiyaha rasmiga ah ee golaha yahay ayaa isna ka hadlay go’aankii ay maxkamadda sare dib ugu soo celisay, waxaanu sheegay in guddi laba dhinac ah la magacaabayo si loo wada hadlo, waxaanu yidhi “ maxkamaddu waxay tidhi khilaafka dhexdiina ah idinku dhexdiina ka dhamaysta haddii aad tihiin golaha wakiiladda, intaasi markii ay nagu soo noqotay oo dib la nagu soo celiyey ee xildhibaanadii golaha wakiiladu kulmeen waxay isla qaateen in mudadda golaha dib loo dhigo, laba guddina la magacaabo.”,

 

Murankii ka dhashay doorashadda gudoomiyaha ee golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maxkamadda sare dib ugu soo celisay in xeer hoosaadkooda lagu xaliyo khilaafkaasi, waxaana xildhibaanaddu isla garteen inay dhexdoodda dhamaystaan, taasina waxay keentay in labadda dhinac ee muranku ka dhashay qalo waliba guddi soo magacowday, si ay uga wada hadlaan khilaafka dhexdoodda ka jira.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.