4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 15, 2017
Danjiradda Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo Wasiir Xoosh oo kawada hadlay arrimo ay kamid yihiin Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka

Talaado, Augusto, 15, 2017 (HOL) –Wasiirka Arrimaha dastuurka ee Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiradda Midowga Yurub (EU) u fadhisa Soomaaliya Veronique Lorenzo iyo masuuliyiin kale oo ka socotay Xafiiska EU ee Soomaaliya, Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr.

Intii uu kulanka socday ayey laba dhinac isla soo qaadeen arrimo ay kamid ahaayeen Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka iyo wada shaqaynta labada dhinac.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa safiiradda iyo masuuliyiintii kale ee la socotay uga mahadceliyay booqashada ay ku yimaadeen Wasaaradda, isaga oo uga warbixiyay hawlaha ay Wasaaradda qabatay.

“Aad ayaan ugu faraxasanahay inaan maanta idinku soo dhaweyno xarunta Wasaaradda oo ah mid qiima wayn ugu fadhisa dalka Soomaaliya, waxa aan halkan ka abaabulnay hawlo baaxad leh oo aan mudooyinkii dambe qabanay haba ugu horeeyaan kulamada wadatashiga ee aan la yeelanay qaybaha kala duwan ee bulshada oo wadada u furaya Geedi-Socod dib u-eegis Dastuur oo ka qaybgalkiisu loo dhanyahay ” ayuu yiri AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Dhinaca kale, Safiiradda ayaa ugu hambalyeysay Wasaaradda shaqada ay wado, islamarkaan waxa ay u ballanqaaday wadashaqayn joogta.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia