4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 13, 2017
Qalalaase ka dhashay bixinta Kaararka codeynta doorashada Soomaaliland deegaanno ka tirsan gobolka Sool

 

Axad, Augusto 13, 2017 (HOL) – Laba qof ayaa ku dhaawacmay degaanka Xalin oo ka tirsan degmada Taleex, kaddib markii ay halkaa tageen howlwadeennada Kaararka codeynta doorashada Soomaaliland.

Dr. Cabdikariin Goobe ayaa HOL u sheegay in qalalaase ka bilaawdeen dhawr goobood, kaddib markii ay soo gaareen in dad dhaawacmeen.

Kulamo ayaa socda sidii xal looga gaadhi lahaa qalalaasaha saamayn xoogleh ku yeelatay qaybinta kaararka ayuu yidh Goobe.

Qalalaasahan ayaa waxaa sii xoojiyey kadib markii duleedka magaalada Taleex lagu diley nin, taas oo aan ilaa hada la hubin sababta keentay.

Dhinaca kale habeenimadii xalay waxaa magaalada Xuddun dhaawac lagu gaadhsiiyey dhagax iyo ullo ah hawlwadeenadii kaadh qaybinta loo geeyey.

Weriyaha TVpga Soomaalind ee G. Sool Barkhad Cumar oo ka mid ahaa dadka dhaawacu soo gaadhey ayaa Hiiraan Online u sheegay in dad qaylinaya ay ku bilaabeen dhagax, waxaana uu sheegay in ciidamadu ay markiiba xakameeyeen.

Rabshadahan lala beegsanayo kooxaha kaararka qaybinaya ayaa ah kuwo diidan dadka goobahaasi lagu soo qoray oo ay doonayeen in ay noqdaan kuwa deegaanka iyo kuwo arimo siyaasadeed lala xiriirinayo.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool