4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 12, 2017
Dowladda oo maanta dib u furtay waddada isku xirta Isgoysyada Shaqaallaha iyo KPP

Sabti, Augusto 12, 2017 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dib u furtay waddada isku xirta Isgoyska Shaqaallaha illaa Isgoyska KPP ee magaalladda Muqdishu.

Waddadan dheer ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay u xirneyd sababo amni, tan iyo markii la dayactiray.

Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo uu wehliyo Duqa Muqdisho Taabit Cabdi, ayaa saaka gaaray wadadan, waxaana ay ka qaadeen difaacyada ciidanka, waxaana ay sheegeen in waddaada la isticmaali karo wixii maanta ka dambeeya.

Laanta Imigration-ka ayaa waddadaasi ay u xirneeyd tan iyo sanadkii 2016, xiligaas oo uu guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale uu dib u dayactiray waddada.

Furitaanka waddadan ayaa waxaa ay mashquulka ka qaadi doontaa waddada Maka Al Mukaran, oo ah meesha ugu mashquulka baddan ee Muqdishu.

Dhinaca kale dadka ku nool hareeraha waddada maanta la furay ayaa sheegay in fursad wanaagsan ay u arkaan, howsha maanta ay qabatay dowladda.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia