4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 9 , 2017
Taliyihii hore ee NISA oo beeniyay in loo magacaabay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

 
Axad, April, 09, 2017 (HOL) –Taliyihii hore ee hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Gen Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud, ayaa maanta waxba kama jiraan ku tilaamay warqado ay ku qoranyihiin in loo magacaabay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Saacadihii lasoo dhaafay, waxaa baraha bulshada lagu faafiyay warqado ay ku qoranyihiin in Jananka loo magacaabay hay’adda socdaalka.

“Waan garanayaa been abuurkaas dadka ka dambeeyay, Hoteelada iyo Xarunta Madaxtooyada ayay ku suganyihiin, waana fool xumo in dadka farsameeyay saxiixa Ra’isul Wasaaraha in iyagoo la yaqaano ay ku dhex suganyihiin Madaxtooyada iyo Hoteelada Ku yaalla Magaallaadda Muqdisho” ayuu yiri Gen Gaafoow.

Dhinaca kale, General Gaafoow, ayaa ku booriyay dadka in la ilaaliyo nidaamka iyo Dowladnimada.

General C/laahi Gaafow Maxamuud, ayaa horay usoo qabtay xilka Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, ka hor inta aan loo magacaabin Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaanahan waday magacaabida xilal cusub, waxaana si weyn is-bedel loogu sameeyay hey’adda amniga Soomaaliya.

Gen Cabdullahi Gaafoow, oo ahaa taliyaha NISA, ayaa waxaa lagu bedelay Sanbaloolshe oo hadda ka mid ah Baarlamaanka dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia