4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 9 , 2017
Maxkamadda maamulka Jubaland oo toogatay Askari shalay xabsi ku dhex dilay nin taksiila ah

 
Axad, April, 09, 2017 (HOL) –Maxkamadda maamulka Jubaland ee degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, ayaa maanta toogatay eedeysane lagu magacaabi jiray Kheyroow Cumar Xirsi, kaas oo shalay nin taksiila ah ku dilay degmadda Baladxaawo.

Ninka Tagsilaha ah ee shalay la dilay ayaa la sheegay in lagu dhex toogtay Xabsiga dhexe ee degmadda Baled-xaawo, kadib markii askariga uu ku furay rasaas sababteeda aan la ogeyn.

Marxuumka taksiilaha ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Jeeri horeeye.

Madaxda maxkamadda degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in qof kasta oo dil geysta in cadaalada la waafajin doono.

Shacabka ku dhaqan degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, ayaa Hiiraan Online u sheegay in ay soo dhaweynayaan xukunka waafaqsan shareecada islaamka, sida ay hadalka u dhigeen.

Degmadda Baladxaawo, waxaa ay ka mid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan ee gobolka Gedo, waxaana la sheegay in ganacsiga degmadda uu aad usoo bulaalayo. 

Hay’addaha amaanka degmadda Baladxaawo, ayaa lagula dardaarmay in ay si wanaagsan u sugaan amaanka degmadda.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia