4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 9 , 2017
Wasiirka warfaafinta oo isbadal weyn ku sameeyay waaxyaha ay ka kooban tahay wasaarada

 

Axad, April, 09, 2017 (HOL) - Wasiirka cusub ee wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa is badal weyn ku sameeyay waaxyaha ka kooban tahay wasaarada.

Wasiirka ayaa shaqadii ka joojiyay agaasimihii guud ee wasaarada C/risaaq Bahlaawi iyo madaxii agaasimka maamulka Xassan Basal.

Wasiirka ayaa shaqo ka joojinta agaasimihii guud ee wasaarada ku micneeyay eedeymo la xiriira musuq maasuq, madaama ayuu yiri dowladda ka go’an tahay in si walba ula dagaasho musuqa.

Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya ayaa si KMG loogu magacaabay C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo horay u ahaa agaasimaha wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Sidoo kale wasiirka ayaa agaasimaha TV-ga Qaranka u magacaabay Liibaan Cabdi Cali , halka Agaasimaha Radio Muqdisho uu noqday Cabdifitaax Daahir Jayte.

Ugu danbeyntii, wasiirka ayaa agaasimaha guud ee wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA u magacaabay in uu noqdo nin magaciisa lagu soo koobay Heybe.

Is badalkan ayaa noqonaya kii ugu balaarnaa ee uu sameeyo wasiirka tan iyo markii xilkan loo dhaariyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]