4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 9 , 2017
Madaxweynaha Puntland oo Safiyo C/qafaar Xaaji uga Mahad-celiyay Heshiiskii ay la galeen Shirkadda DP World

Axad, April, 09, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa u mahad-celiyay Safiyo C/qafaar Xaaji Xuseen  (Basey ) oo uu sheegay in ay kaalin firi-fircoon ku lahayd heshiiskii dhawaan dhex-maray Puntland iyo Shirkad-da DP World.

Mashruucan oo ay ku kacayso lacag dhan 336 Milyan ayaa la sheegay in Safiyo ay kamid ahayd dadkii sida weyn uga shaqeeyay in labada dhinac ay heshiiskii ugu danbeeyay ku gaaraan magaalada Dubai ee dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Hadalkan ayuu madaxweynaha ka sheegay kulan ka dhacay hotelka Jumeirah Emarates Tower oo lagu soo dhaweynayay heshiiska dhex-maray labada dhinac ,waxaana uu madaxweynaha sheegay in Safiyo ay kamid ahayd dhowr qof oo barnaamijkan si adag uga shaqeeyay.

Madaxa shirkada DP World Sultaan Ahmed Bin Suleyman  ayaa isna goobta ka sheegay in heshiiskan uu uga mahad-celinayo Safiyo oo kamid ah jaaliyad-da Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Dubai.

"Safiyo waxa ay tusaale wanaagsan u tahay Somaali badan oo dalka dibadiisa aqoon iyo dhaqaale-ba la fadhiya " ayuu yiri madaxweynaha oo sheegay in ay uga mahad-celinayaan kaalintii ay ku lahayd heshiiskan.

Qodobada gundhiga u ah heshiiskan ayaa ah in deked balaceedu yahay 450 mitir joogeeda hoosena yahay 12 mitir oo cusub la dhiso, isla markaana la dayactiro dekeda hada jirta ee Magaalada Boosaaso.

Ugu danbayn,mashruucan ayaa la aamisan-yahay in uu shaqo u abuuri doono dhalinyaro badan oo ku sugan gudaha Puntland ,waxaana uu ku  soo beegmaya ,xilli Somalia ay ka jiraan duruufo dhaqaale oo u baahan in wax laga qabto.  

Faysal M. Hassan
[email protected]