4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 9 , 2017
Somaliland oo ku eedeysay dowladda Soomaaliya in ay siyaasadeyneyso Gargaarka loogu talagalay Abaaraha

 
Axad, April, 09, 2017 (HOL) –Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cusmaan Cabdullaahi Saxardiid, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay siyaasadeyneyso Gargaarka loogu talagalay dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku nool Somaliland.

Mudane Saxardiid, ayaa sheegay haddii dowladda ay wado arrimo kale in ay iska heystaan gargaarka.

“Dowladda Soomaaliya weey ka qeyb-qaateen gurmadka abaaraha, balse maanta siyaasada aad ku wadan arrinta abaaraha ee aad dooneysaan in aad ku kala qeybisaan Somaliland waa arrin khaldan, mana ahan mid aad Somaliland ku kala jabin kartaan”, sidaasi waxaa yiri Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cusmaan Cabdullaahi Saxardiid oo la hadlay Warbaahinta.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayay arrinta goboladda Sool iyo Sanaag, waxaa yiri,  “Sool iyo Sanaag iyo inta ay dowladda Soomaaliya kala qeybineyso wax jira ma ahan.

Dabayaaqadii bishii Maarso, Guddiga Qaran ee gurmadka Abaaraha, ayaa maamulka Somaliland gaarsiiyay deeq lacageed oo gaareysa $200,000, oo loogu talagalay dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku nool deegaanadda maamulkaasi.

Sidoo kale Goboladda Sool, Sanaag iyo Ceyn, ayaa iyana waxaa la gaarsiiyay lacag gaareysa $100,000 oo dollar, oo sidoo kale loogu talagalay dadka abaaraha ay saameeyeen.

Taariikh ahaan marka dib loo eego, Khilaaf ayaa sanado badan u dhexeeyay maamulka Khatuma iyo Somaliland, balse sanadihii dambe waxaa soo ifbaxayay wada hadalo labada dhinaca ay yeelanayeen.

8-bishii Agoosto Hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Dr. Cali khaliif Galeyr, ayaa sheegay inay wada hadalo la fureen mamulka Somaliland.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia