Danjire Keating : Soomaaliland wali caalamku wuxuu u aqoonsan yahay qeyb ka mid ah Soomaaliya Video
Sabti, April, 08, 2017 (HOL) – Danjiraha
Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa isaga oo ku sugan magaalada
Hargeysa oo dhawaan uu booqasho ku tagay ka hadlay aragtida uu ka qabo gooni
isku taaga Soomaaliland.
Waxaa
uu sheegay danjire Keating in beesha caalamka oo ay ugu horreeyaan Qaramada
Midoobay iyo Midowga Africa wali u arkaan Soomaaliland in ay tahay qayb ka mid
ah Soomaaliya.
“Annigoo wakiil ka ah xoghayaha Qaramada
Midoobay ma ahi kan go’aaminaya sharciyada Soomaaliland,beesha caalamka um
aqoonsana dal madax banaan,waxayna u aqoonsanyihiin qayb ka mid ah Soomaaliya”.
ayuu yiri Michael Keating.
“Ma aha
in ay waayi doonto deeqaha iyo adeegyada horumarka,laakin ilama aha cida shirka
qabaneysa in ay marti-qaadayso Soomaaliland”. ayuu yiri Keating.
Ugu danbeyntii, Waa markii ugu horeysay
oo wakiilka gaar ah ee QM Soomaaliya sheegayo in wali Soomaaliland caalamku u
aqoonsan yahay qeyb ka mid ah jahmuuriyada Soomaaliya, inkastoo dhinaca kale
mas’uuliyiinta maamulkaas ku doodayaan in kol hore isaga go’een Soomaaliya
inteeda kale.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]