4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 8 , 2017
Al Shabaab oo weeraray saldhigyo ciidanka kenya ay ku leeyihiin Soomaaliya

 
Sabti, April, 08, 2017 (HOL) –Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay weerar culus xalay ku qaadeen saldhiga ciidanka dowladda Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Hoosingoow ee Jubada Hoose.

Weerarka ayaa loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Dhinaca kale, isla xalay Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaadan Jaziirada Kudha oo ay saldhig ku leeyihiin ciidanka dowladda kenya ee howlgalka AMISOM qeybta ka ah.

Lama shaacin khasaaraha ka dhashay labada weerar.

Dadka deegaanka ayaa Hiiraan Online u sheegay, in rasaas xooggan ay socotay mudo daqiiqado ah.

Masuuliyiinta maamulka Jubaland wali kama aysan hadlin weerarkii ka dhacay Hoosingoow iyo Kudha.

Ciidamada AMISOM gaar ahaa kuwa dowladda Kenya ayaa jooga deegaanadda Jubooyinka, waxaana halkaasi ay kula dagaalamayaan xarakadda Al Shabaab.

Goboladda Jubooyinka ayaa waxaa ku sugan ciidamo American ah oo taareera siiyay AMISOM, waxaa bishii lasoo dhaafay ay qaadeen howlgal wadajir ah oo lagu beegsaday saldhigyo ciidamada Al Shabaab ay ku leeyihiin jubada dhexe.

Maxweynaha maamulka Jubaland Ahmed Madoobe, ayaa horaantii bishaan sheegay in ay dhawaan qaadayaan dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia