4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 8 , 2017
Wariye Cabdi Maalik Coldoon oo lagu xukumay laba sano oo xabsi ah

 
Sabti, April, 08, 2017 (HOL) –Maxkamad ku taalla magaalladda Hargeysa ee xaruunta maamulka Somaliland, ayaa laba sano oo xabsi ah ku xukuntay wariye Cabdi maalik Yuusuf Coldoon, oo in muda ah xabsi ku jiray.

Ehelada iyo Qareenaddii u doodayay wariye Coldoon, ayaa sheegay in ay racfaan qaadan doonaan, waxaana xukunka ay ku tilmaameen Sharci daro.

Xeer ilaalinta  dacwada ku soo oogtay Wariye Coldoon, ayaa dhinaca kale ku dooday in Cabdi maalik uu u qalmay in laba sano ka badan lagu xukumo.

Ciidamada amniga Maamulka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay weriye C/maalik Muuse Coldoon, kadib markii uu ka degey magaalladda Hargeysa isagoo diyaarad  ka raacay magaalladda Muqdisho.

Wariyaha ayaa lagu eedeyay in uu ku xadgudbay jiritaanka Soomaaliland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani, ayaa horay u sheegay in Nin Xamar lacag ka qaata iyo nin dangaar ah leh labaduba nina Somaliland gudaheeda in uu ku jiri dooni, waa sida uu hadalka u dhigay.

Ururada u dooda suxufiyiinta ayaa horay uga dalbaday maamulka Somaliland in lasii daayo Wariyha.

C/maalik Coldoon ayaa ah wariye ka shaqeeya arrimaha samafalka iyo caawinta dadka dhibaateysan, waxaana uu soo gudbiyaa fariimo la xiriira dhibaatooyinka nololeed ee heysta dadka dan yarta ah.

Urur abaalmarin bixiya ayaa sanadkan Wariye Cabdi Maalik, siiyay abaalmarin isagoo ku jira xabsi, waxaana abaalmarintaas uu ku muteystay shaqada iyo caawinta uu u sameeyo dadka warbaahinta ay u hadasho.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia