4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 8 , 2017
Doorashada Galmudug oo dib loo dhigay

 
Sabti, April, 08, 2017 (HOL) –Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa, iyo Maamulka Galmudug ayaa isku afgartay in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha maamulkaasi.

10 bishan April, ayaa la filayay in doorashada ay ka dhacdo magaalladda Cadaado ee xaruunta ku meel-gaarka maamul Goboleedka Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa, oo shalay gaaray isaga iyo wafdigiisa magaalladda Cadaado, ayaa kullamadii uu la qaatay madaxda waxaa kasoo baxay in doorashada la qabto 30 bisha, si looga wada qeyb-galo.

Wasiir Juxa, ayaa sheegay in aysan jiri doonin wax muran ah oo la xiriira arrinta Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya iyo maamulka Ahlusunna ayaa horay u dalbaday in Doorashada Galmudug dib loo dhigo.

Siyaasiyiinta qaar ayaa sheegaya in dib-u-dhigista doorashada ay fursad u noqon karto siyaasiyiin damac kaga jiray in ay noqdaan musharixiin, maadaama Guddiga doorashooyinka uu sheegay in ay dhamaatay waqtigii diwaangelinta musharixiinta.

Codeyntii Xildhibaanada Galmudug:

25-kii bishii Maarso, Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa u codeeyay in Doorashada Madaxweynaha Galmudug la qabto 10-ka Bisha April, ee hadda aan ku jirto.

Guddoomiyaha Barlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa sheegay in 21 Xildhibaan ay u codeeyeen in doorashada la qabto 20-ka April, halka 30 Xildhibaana ay u codeeyeen in doorashada ay dhacdo 10-ka  April, sidaasina ay ku codbadiyeen 30-ka xildhibaan.

26, bishii February, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii Madaxweynenimadda Galmudug, Sababo la xariira xaga caafimaadkiisa sida uu sheegay.

Magacyada Musharixiinta is diiwaangelisay:- 

Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle oo ah Guddoomiyaha Gudigga doorashooyinka maamulka Galmudug, ayaa sheegay in saddex musharax ay iska diiwaangeliyeen tartanka madaxtinimada maamulka.

Musharixiinta is diiwaangelisay ayaa kala ah:

1-      Axmed Ducaale Xaaf

2-      Cabdullqaadir Shirwac

3-      Axmed Shariif 

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia